Jen. Odowaa oo amar cusub siiyey ciidamada dagaalka adag kula jira Al-shabaab

Taliyaha ciidanka XDS Jen. Odawaa Yuusuf Raage ayaa amar culus siiyey ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta degaanka ee ka dagaalamaya gobolka Sh/dhexe.

Jen. Odawaa Yuusuf Raage oo ku sugan degmada Ruun-nirgood ee gobolka Sh/Dhexe ayaa ciidanka amar ku siiyey iney aragti ku toogtaan qof kasta oo lagu arko inuu dhigtay isbaaro.

“Meeshii lagu arko ayaa lagu dilayaa qofkii la arko isagoo isbaaro dhiganaya, xitaa maxkamad lala sugi maayo, ma dhici karto in isbaaro aan raali ka noqono,” ayuu yiri Jeneraal Odawaa oo la dardaarmayey ciidamo ku sii jeeday furumaha dagaalka gobolka Galgaduud.

Waxaa uu amaan iyo bogaadin u jeediyey taliyaha ciidanka dhulka Jen. Maxamed Tahliil Biixi oo uu sheegay inuu muddo afar afar bilood ah furumaha dagaalka ku sugan yahay, uuna wax ka hogaaminayo howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab.

“Dadka aad ka xoreyseen Al-Shabaab wey faraxsan yihiin, laakiin waxaa weli madaxa hoos u raaricinaya oo ilmeynaya hooyooyin Soomaaliyeed iyo dad kale oo weli ay dhibaato ku hayaan, kuwaasoo loo baahan yahay inaan deg deg uga xoreyno cadowga” ayuu intaas ku daray Jeneraal Odawaa.

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka ayaa Al-shabaab ka saaray guud ahaan gobolka Sh/dhexe iyo inta badan gobolka Hiiraan, waxayna haatan kaabiga u saaran yihiin iney qabsadaan degmada Galcad ee gobolka Galgaduud sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaray gobolada dhexe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -