Amaanka Muqdisho oo faraha kasii baxaya iyo cabsida oo korortay

Waxaa maalmihii lasoo dhaafay sii xumaanayay amaanka magaalada Muqdisho, waxaana qeybo kala duwan oo magaalada ka dhacay dilal qorsheesan oo loo geestay masuuliyiin, saraakiil iyo waliba dad shacab ah.

Dilalka maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho ayaa ahaa kuwa qorsheesan oo dad gaar ah lagu bartilmaameedsanayay , waxaana baxsaday ragii dilalkaasi fuliyay oo u badnaa dhalinyaro .

Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa ku guul dareestay in ay gacanta kusoo dhigaan raga dilalka qorsheesan ka fuliya magaalada Muqdisho, waxa ayna ciidamada inta badan tagaan goobaha dilalka ka dhacaan daqiiqado badan kadib.

Shacabka magaalada Muqdisho iyo sidoo kale dadka kale ee dowlada u shaqeeya ayaa waxaa lasoo darsay cabsi xoogan, waxa ayna dadka qaar galeen feejignaan dheeri ah halka kuwa kalana ay iska yareeyeen socodka si aan loo beegsan.

Magaalada Muqdisho waxaa ka howlgala ciidamo badan oo booliis ah, hasa ahaatee ciidanka ayaa inta badan ku sugan laamiyada iyo baro kale oo cayiman, waaana mida keentay in raga dilalka geesta sida ay rabaan uga howlgalaan qeybo kamid ah magaalada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -