Muxuu Aadan Madoobe kala hadlay siyaasiyiinta ka horjeeda Laftagareen? (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa caawa hoygiisa kulan kula qaatay Midowga Musharraxiinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Musharraxiinta Koonfur galbeed iyo Guddoomiyaha ayaa isla qaatay in laga wada shaqeeyo dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed si loo helo midnimo isla-markaana la iska kaashado sidii loo sii amba qaadi lahaa dib u xorreynta deegaanada ay ku suganyihiin kooxda Al-Shabaab.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa boggaadiyay dadaalada lagu doonaayo dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo uu ku baaqay isagoo sheegay in muhiim ay tahay midnimada iyo jiritaanka reer Koonfur Galbeed lana xoojiyo kacdoonka dadweynaha ee dalka looga xorreeynaayo argagaxisada.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xili xiisad colaadeed ay maalmihii la soo dhaafay ka jirtay magaalada Baydhabo taasoo ka dhalatay muddo kororsiga halka sano ah ee uu sameystay Madaxweyne Laftagareen.

Dagaal saacado socday ayaa maalmo ka hor ku dhexmaray magaalada Baydhabo ciidamada Maamulka iyo kuwo la baxay badbaadada K/Galbeed oo taageersan siyaasiyiin mucaaradka ah ee diidan muddo kororsiga kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka codsaday musharaxiinta iyo siyaasiyiinta K/galbeed iney xaalada dejiyaan kana fogaadaan dagaal, isagoo in wax kasta lagu xalin doono shirka dib u hesshiinta ee baydhabo ka furmaya 5 bisha soo socota.

Madaxweynaha Koonfur galbeed ayaa haatan ku sugan Magaalada Muqdisho isagoo qeyb ka ah madaxda dowlad goboleedyada ee ka qeyb galaya shirka Golaha wada tashigan Qaranka ee shalay ka furmay magaalada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -