Shirkadda Ethiopian Airlines oo dib u bilaabeysa duulimaadyadii gobolka Tigray

Shirkadda Diyaaraddaha ee Ethiopian Airlines, ayaa ku dhawaaqday inay dib u bilaabi doonto duulimaadyadii ay ku tagi jirtay Gobolka ay dagaalladu halakeeyeen ee Tigray.

Qoraal ay soo saartay Shirkaddu ayey ku sheegtay inay 18 bilood kadib ay duulimaadkeedii ugu horeeyay dib uga bilaabi doonto Arbacada Magaalada Mekelle ee Caasimadda gobolka Tigray.

Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa maalin kadib markii ay Gobolkaasi gaareen wafdi ka socda Dowladda Itoobiya oo hordhac u ah wafti ka socda Midowga Afrika uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta, kuwaasoo u kuur galaya bilowga heshiiskii xabad joojinta ee  bishii November ay gaareen dhinacyada ku dagaalamay gobolka.

Bangiga dhexe ee Dowladda Itoobiya ayaa Dhowaan sheegay inuu gobolkaasi dib uga bilaabi doono adeegyadii uu u hayey bulshada isaga raacaya tallaabooyinka heshiiska nabadeed.

Sidoo kale, waxaa gobolkaas dib uga howlgashay Shirkaddaha korontada iyo Isgaarsiinta Itoobiya taasoo soo celisay isgaarsiiintii iyo adeegii Internetka oo labo sano ka maqnaa gobolkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -