Guddiga Doorashooyinka oo Beeniyay Qoraal baraha Bulshada lagu baahiyay

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay baraha bulshada iyo warbaahinta qaar lagu baahiyay qoraal ku aadan habraac doorasho ee Xildhibaanada Golaha Shacabka gaar ahaan hindisaha xulista Ergooyinka dooranaya Xildhibaanada Aqalka Hoose.

Qoraalkan lagu baahiyay baraha bulshada ayaana abuuray hadal heyn badan iyo shaki ku saabsan in doorashada Aqalka Hoose ee dhawaan ka bilaabaneysa dowlad goboleedyada si sahlan loo musuq maasuqi karo ergooyinka dooranaya Xildhibaanada.

Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ayaana qoraal kooban ay soo saareen ku beeniyay warqadan lagu baahiyay baraha bulshada, waxa ayna sheegeen in uusan weli jirin habraac doorasho ee Golaha Shacabka ay soo saareen.

”Dhammaan Daneeyayaasha siyaasadda iyo bulshada Soomaaliyeed waxaan ku war gelinaynaa in aysan jirin wax habraac doorasho Golaha Shacabka ah oo uu Baahiyey Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federal.” ayaa lagu yiri qoraalka guddiga.

Halkan ka Akhriso Warqada lagu baahiyay baraha bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -