Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo si diiran loogu soo dhoweeyey Muqdisho (Sawirro)

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan aqalka Congresska Mareykanka ayaa maanta ka soo degtay garoonka Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho.

Waxaa Xildhibaanada ku soo dhoweeyey garoonka Aadan Cabdulle wasiiro iyo xubno kale oo ay ka mid ahaayeen, Gudoomiye ku-xigeenka Golaha shacabka Sacdiya Yaasiin Samatar, Wasiirka haweenka iyo arrimaha qoyska DF Khadiijo Maxamed Diiriye, taliye ku xigeenka Booliska Zakia Xuseen iyo masuiliyiin kale.

Ilhaan Cumar oo booqasho ku mareysa Somalia ayaa socdaalkeeda ka soo bilowday degaanada Puntland oo heyb ahaan ay ka soo jeedo, gaar ahaan magaalada Garoowe, madaxda Puntland iyo shacabka ayaana halkaas ku soo dhoweeyey.

Inta ay joogto magaalada Muqdisho waxay kulamo la qaadan doontaa madaxda sare ee dowlada Somalia iyo wakiilada beesha caalamka, iyadoo ka dib u duuli doonto Jabuuti oo ay socdaalkeeda xiga ku tagayso ka hor inta aysan dib ugu laaban dalka Mareykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Fahad iyo Qatar yey Sanadkan la rabaan Madaxtinimada Somalia? (Xogo Qarsoon)

admin

Ahlu suna oo dalab culus hordhigtay Guddiga cusub ee doorashada Galmudug iyo..

admin

Howlgal ay ka qeyb qaadanayaan ciidan Mareykan ah oo ka socda Sh/hoose

Caydiid Ali
Taboola Ads ---