Fahad iyo Qatar yey Sanadkan la rabaan Madaxtinimada Somalia? (Xogo Qarsoon)

Marka aad dooneyso in wadada guusha aad heyso oo marna aan lagaa badin, waxaa suuragal kuu ah inaad ku dhiirrato maritaanka waddo horay lagaaga qaniinay adigoo ka dhex arkaya fursad kale oo qasaarinteeda laga qurux badanyahay.
 
Sanadkii 2016 ayaa dowladda Qatar oo dhex mareysa wariyihii hore ee Al-jazeera, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, waxay si fudud madaxweyne uga dhigtay Xasan Sheekh Maxamuud oo guushiisii kadib dhabarka xijiyay Fahad, taas oo Qatar ka dhigtay uur ku jir hooyadii ku bireysan, maadaama uusan jirin xariir toos ah oo ka dhexeeyay kooxdii Xasan Sheekh hoggaaminayay iyo dowladda hodonka ah ee Qatar.
 
Qatar oo garaawsatay muhiimadda ay leedahay in laga fogaado dhismaha madaxweyne koox adag salka kula jira ayaa 2017 waxay mar kale kursiga dalka looga arrimiyo ku fariisisay madaxweyne Farmaajo oo noqday hebed caano madaadshe ah, si wanaagsanna uga soo baxay heshiiskii lala galay oo ahaa in hadii aduunyada dhan ay dhinac kasoo jeesato dowladda Qatar-na dhinaca kale uu raaco dhinaca ay Qatar jirto.
 
Inkastoo afar sano ay kusoo caano maaleen dhismihii Farmaajo hadana wali Qatar waxay dooneysaa in Soomaaliya ay ahaato maamul yar oo si dadban Dooxa looga arrimiyo danna kama hala shaqsiqa ay ka dhex hadleyso, waxaana markaan ay fursad kale ka dhex arkaan Xasan Sheekh oo markii hore ay isku seegeen xamuulkii tirada badnaa ee dhabarka uu ku watay.
 
Kulamada Xariirka ah ee dhex Maray Xasan Sheekh iyo Fahad Yaasiin Fahad Yaasiin oo waagu ku baryay markii Xasan Cali Khayre uu ka baxay kooxda Nabad iyo Nolol, uuna shitay dab gaar ah, ayaa degay shax cusub oo Qatar dullaal uga sii ahaan karo, waxuuna ku dhiirraday raadinta xariir wax wada qabsi oo dhex mara isagoo wakiil ka ah dowladda Qatar iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo markaan xamuulkii badnaa iska yareeyay.
 
Xasan Sheekh oo qudhiisu markaan ogaaday inuu qasaariyay fursad muhiim aheyd, ayaa si fudud ku aqbalay dib u yagleelidda xariirka siyaasadeed ee wakiilka Qatar, si ay sare ugu soo kacdo rejadiisa ah inuu noqdo mas’uulkii ugu horreeyay ee laba jeer Soomaaliya madaxweyne ka noqda.
 
Kulamo dhowr ah oo dhex maray fahad iyo madaxweynihii hore ee dalka ayaa looga heshiiyay waxyaabihii hore ee la kala tirsanayay, waxaana la isla soo hadal qaaday in mar kale la is aamino.
 
Dad xog ogaal ahaa ayaa caddeeyay in Xasan Sheekh uu ka dhawaajiyay in raggii ugu cuslaa kooxdii mas’uulka ka aheyd in Fahad bannaanka la dhigo ay hadda gooni isu taageen kuwa harayna markaan ayan go’aamin karin hab-fikirkiisa, uuna ka garaabayo xagatimihii hore.
 
Shirarka dhacay oo qaarkood ay qarsoodi ahaayeen, waxay horseedeen in fursad labaad uu dhinac kastaahi ka dhex arko dhinaca kale.
 
Fahad Yaasiin oo dareensan in Xasan Sheekh uusan maanta heysan kooxdii horay u kala geysay labadooda, ayaa doonaya in uu dheelo ciyaar laba beg kanoole ah, uuna isku dhinac wado dib-u-dhiska madaxweynaha talada haya iyo dib-u-aaminidda Xasan Sheekh Maxamuud, maadaama ay isaga muhiimadda koowaad u tahay helidda fursad uu dalka dhan daaha gadaashiisa uga xukumo.
 
Xasan Sheekh oo aaminsan in Farmaajo uu kaarka si fiican isaga gubay afartii sano ee xukunka uu hayay, ayaa qudhiisu waxuu aaminsanyahay hadii uu kaalinta labaad ee tartanka uu kusoo baxo in la ilaawi doono wixii hore oo markaan isaga la xigsan doono.
 
Inkasta oo aan la ogeyn sida ballamihii la galay loo fulin karo, qolyaha wax falanqeeya waxay sheegayaan in iyada oo laga tix raacayo oraahdii caan baxday ee aheyd, “Siyaasaddu waxay leedahay dan joogta ah”, in Fahad uu Xasan Sheekh u arko badiilka Farmaajo, halka Xasan oo qudhiisu afar sano qaaqamayay kursigii uu afar sano oo hore ku tamashleeyay ay ka mareyso, “Aloow yaa aduun mar ii celshoo ari mar ii ooda oo inaan ilalaashaya in kale bal igu ilaaleeyaa”.
 
Walow ay adkaan doonto iibinta madaxweyne dalka horay u soo maray, hadane Fahad Yaasiin oo aan u jeedin musharax kale oo cadiiman oo aragtidiisa ku shaqeyn doona, sidoo kalana diidan inuu si fudud xilka ku qaato Xasan Khayre oo ah musharrax aad xilka loogu saadaalinayo, waxaa u muuqata, xeelad kasta haloo maree in maamulka hadda jira iyo maamulkii ka horreeyay mid uun lasoo celiyo.
 
Hadaba su’aashu waxay tahay ma Farmaajo ayaa muhiimadda koowaad la siin doonaa oo Xasan ayaa qorshohooda labaad noqonaya mise Xasan ayaa mar labaad aaminaad buuxda lasiin doonaa, yaase fudud in la xambaaro labadooda.
 
Fahad iyo Qatar waxay ka mareysaa, “Ma caraa dhamid leh, ma caanaa qubid leh”, hase yeesee wax waliba waxay kala cadaan doonaan marka ololaha doorashadu ay si wanaagsan u billaawdaan, dullaalka Qatar-na uu hubiyo fursadda Farmaajo ee dib u doorashada.
W/Q Hassan M Abdulle
Nairobi-Kenya

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -