Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ma dhab baa in Xildhibaanad Ilhaan Cumar loo diiday iney booqato Boosaaso?

Xildhibaan Ilhaan Cumar, oo ka tirsan aqalka wakiilada Mareykanka ayaa faahfaahin ka bixisay safar ay ku tegtay magaalada Garowe ee caasimada Puntland

Waxay sheegtay iney la kulantay intii ay halkaas joogtay, mas’uuliyiinta Puntland oo uu kamid yahay madaxweyne Deni, odeyaasha dhaqanka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Ilhaan waxay hore u soo martay magaalada Nairobi oo ay kula kulantay qaar ka mid ah Soomaalida halkaa ku nool

Waxay been-abuur ku tilmaantay warar la faafiyey oo ahaa  in laga hor istaagay socdaal ay ku tegi lahayd magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

“Warkaas waxbo kama jiro, waan xiisaynayay in aan Boosaaso tago se wakhtigaa aad igu yaraaday, waanan rajeynayaa in marka danbe ee aan soo laabto Boosaaso gaaeo insha allah” ayay u sheegtay Ilhan oo haatan ku sugan Muqdisho.

Ilhan waxay ku guuleysatay kursiga gobolka Minnesota ee Kongreska bishii November 2016 markii u horraysya, iyadoo noqotay mid ka mid ah labada hablood ee Muslimka ah ee ugu horreeyay abid oo loo doortay aqalka Kongreska Mareykanka.

Socdaalka ay Somalia qeybo ka mid ah ku mareyso ayaa noqonaya kii ugu horeeyey tan iyo markii loo doortay iney ka mid noqoto xildhibaanada Congresska Mareykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Howlihii dekeda Berbera ee Somaliland oo joogsaday & sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Heyadda socdaalka DF oo xarun ka furatay Laascaanod (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo soo saartay amar lagu soo xirayo Ganacsatada Muqdisho qaarkood (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---