Kaalin Intee le’eg ayey burburkii dhacay ku leeyihiin Madaxdii soo martay talada Somalia?

Madaxweyneyaashii Soomaaliya shaqsi walba sababtii uu awooda ku yimid ayuu ku baxay, iyagoon markii horaba caqliga gelin in waxa ay xukunka ku yimaadeen ay xukunkooda ku weynayaan si kasta oo ay isugu dayaan jiheeynta siyaasado xeeladeysan oo ay kaga hortegayaan gabaldhaca xukunkooda.

Mudane Madaxweyne Aden Cade (AUN) wuxuu xukunka ku yimid qiyaano uu gumeystihii Talyaaniga kalkaalinayey, wuxuuna noqday dibi meel iska fadhiyey oo awoodiisa lagu shaqeysanayey, waxaana xukunkiisii ka tuuray dhaqankii uu ku yimid mid la mida oo shaqsi ahaan laga doorbiday kan lagu bedeley.

Mudane Madaxweyne Sharmarke (AUN) wuxuu ahaa madaxweynihii ugu horeeyey oo bilaabay doorasho booba oo ay isku dilaan dad xidid, xigaalo, iyo gacalo isku ahaa, haddii uu sii joogi lahaana kursi kasta oo doorasho loo galo dhiig badan ayaa ku daadan lahaa, wuxuuna xukunkiisu ku dhamaaday dilkiisa iyo boob xukuumadiisii dabadiis lagula wareegey.

Mudane Madaxweyne Siyaad Bare (AUN) wuxuu xukunka ku yimid xoog iyo arxandaro iyo adeegsiga talo shisheeye iyo laangaab sokeeye. Wuxuuna ahaa shaqsi si fiican u qadariya dhaqanka iyo diinta suuban, laakiin talada shisheeye iyo mida laangaabka cuqdadeysan ayaa mariyey mariin qaldan, wuxuuna xukunkiisu ku baxay xoog iyo arxandaro kaashaneysey talo shisheeye iyo maangaab sokeeye.

Mudaneyaashii ahaa dagaal-oogeyaasha, intii dhimatay AUN, waxey hogaan kooxeednimada ku yimaadeen xoog ku saleysan qabyaalad iyo daneysi xoolo doona oo dano shisheeye loogu adeegayo, lagulana dagaalamayey diinta, waxaana xukunkoodii soo afjaray xoog looga tuuray dhagar qabyaaladeed oo mid walba kii ka hooseeyey uu xukunka kala wareegey iyo kacdoon wadaado oo xididada u siibey.

Mudane Madaxweyne Dr. Qaasim wuxuu ahaa arday ku soo aflaxay xukunkii MSB, wuxuuna xukunka ku yimid awoodqeybsi la magacbaxay 4.5 oo ay derisku taakuleynayeen, kaas oo ku dhisan dhaqan beeleed, laakiin isaga ay ugu hoos lamaansaneyd ku dhaqanka isku milan siyaasadeed oo ku saleysan waayoaragnimadii Kacaanka iyo wadaadnimo diimeed, wuxuuna xukunka ku yimid ka soo horjeedka dagaal-ogeyaasha dumiyey xukunkii Kacaanka, xukunkiisana waxaa gabalka u ridey dagaal-ogeyaal ku daaban deriska.

Mudane Madaxweyne Cabdullahi Yusuf (AUN) wuxuu ka mid ahaa dagaal-ogeyaashii dhiiga badan ku daadiyey halganka uu u soo galay inuu mar keliya xukunka qabsado, wuxuuna ahaa nin geesiya oo runta si daacada uga hadla, laakiin ma ahayn wadani dadkiisa iyo dalkiisa jecel, wuxuuna xukunka ku yimid taakulada cadowga Soomaaliya oo uu hadda ka hor markii uu jabhadka ahaa uu ku caawinay iney calankooda ka taagaan carada Soomaaliya, haddana marka uu xukunka yimid ka ogolaaday iney calankooda ka taagaan madaxtooyada looga arrimiyo Soomaaliya iyo xaruunta gaashaandhiga Soomaaliya, cadawgaas oo xasuuq uu raali ka yahay u geystey shacabka Soomaaliyeed, balse nasiibdarro taas bedelkeed ku abaalmariyey iney ka tuuraan xukunka ay keeneyn.

Mudane Madaxweyne Sheikh Shariif wuxuu xukunka ku yimid qiyaano wadaadnimo oo ku saleysan koox diimeed iyo balan ka bax uu saaxiibadiis siyaasadoodii uga baxay, isagoo kala daneysi shisheeye taas bedelkeeda ka doorbiday, waxaana isaga xukunkiisii soo afjaray kala daneysi qiyaaneed oo ay kula kaceen madaxda maamul goboleedyada, gaar ahaan Puntland oo ku fulsatey meelmarinta dastuurka ay danahooda ka soo buuxsadeen, islamarkaasna aan doneyn inuu dib ugu soo noqdo.

Mudane Madaxweyne Hasan Sheikh wuxuu xukunka ku yimid siyaasad kooxeed qarsooneed oo ku dhisneyd mucaaradnimo uu kaga soo horjeedey xukunkii ka horeeyey oo isna ku dhisnaa koox diimeed ka aragti duwan kooxdiisa, wuxuuna xukunkiisu eedsaday tacadiyo loo geystey weriyeyaasha iyo dhulalka danta guuda, laakiin wuxuu si geesinimo leh u difaacay dhul badeedka Soomaaliyeed oo dadka gelisey rajo hididiilo leh, wuxuuna xukunkiisa ku waayey mucaaradnimo abaabulan oo si qarsoodiya hoosta ugu wadatey koox diimeed tiisa ka aragti duwan oo ku daaban boqortooyo Carbeed oo xukunka Alshabaab u haysey kalgacaltooyo wada shaqeyn mudan.

Mudane Madaxweyne Farmaajo wuxuu xukunka ku yimid mucaaradnimo ku saleysan beenhawaasnimo iyo borobagaando mariinhabaabineed, wuxuuna talada xukunka uga dambeeyey laangaab, aqoongaab, maangaab, ay hagayeen sirdoonka boqortooyo Carbeed, wuxuuna cadowtooyo u hayey dhamaan madaxdii Soomaaliyeed ee isaga ka horeysey marka laga reebo MSB iyo dagaalka kuwa xigtada u ahaa maamul goboleedyada, wuxuuna iskuday qaawan u qorsheeyey dilalka laba madaxweyne iyo musharax mucaarad ku ahaa, waxaana xukunkiisa afka ciida u geliyey mucaaradnimo qorsheysan oo dibedda iyo gudahaba lahay.

Madaxweynaha xilka haya hadda Mudane Hassan Sheikh waa madaxweynihii kowaad oo xilkaas dib loogu doorto, mana ahayn mid ku yimid jacayl isaga loo qabo xukunkiisa, laakiin wuxuu ku yimid xilka naceyb loo qabey Madaxweyne Farmaajo oo fashil siyaasadeed dhan walba ka haystey iyo mucaaradnimo uu si geesinimo leh uga soo horjeestey xukun kelitalisnimo oo meesha ka saara dimoqaraadiyada ay Soomaaliya dowladnimadeeda ku dhisneyd. Hassan u noqon waa Farmaajo wixii Gabeyre uu u ahaa Siyaad, wuxuuna Hassan dhiirogelin badan uu ku muteystay geesinimadiisa iyo dib u abaabulida uu ku balaarinayo kooxdiisa siyaasadeed oo markaan ka kooban dad kala fikrado duwan, taas oo haddii aysan koox gaara afduuban ku saacideysa in mar kale dib loo soo doorto, allowse yaa u sheega Hassan in geesi kasta uu leeyahay maalintiisa guuldarada oo laga yaabo iney soo dedejiso damaca xukun kororsiga iyo cuqdo wadata ciil aargoosiya.

W:Q Prof. Saciid Ciise Maxamuud
Guddoomiyaha Xisbiga Dadka Soomaaliyeed
Maine, Texas, USA

Fiiro gaar ah: Fikrada qoraalkan waxay u gaar tahay shaqsiga ku saxiixan, kama tarjumeyso aragtida Allbanaadir Online, waana fursad u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa isagoo aan cidna ku xad gubeynin..

- Advertisement -