(Akhriso) Xaqiiqooyin u gaar ah Koobka Adduunka ee ka furmaya beri Magaalada Doha

Qatar maalinta bari markaay saacada Afirkada bari tahay 7:30pm waxaa Ka Bilaaban Doona dhacdada ugu weyn Kubadda Cagta ee Caalamka, taasoo sanadkaan si weyn loo sugayo xiiso gaar ahna wadato.

Waxaa koob aduunkoodii ugu dambeeyay cayaari doono Cayaaryahano waaweyn oo lagu tiriyo kuwii ugu Fiicnaa Kubadda Cagta Caalamka sida Messi iyo Ronaldo, waxaana hubaal ah in labadooduba wada qaadi doonin koobkaan oo ugu yaraan uu midkood meesha ku hungoobi doono

Sidaas owgeed maadaama tartankaan Xiiso gaar ah wato waxaan idiin soo gudbin doonaa Xaqiiqooyin muhiim ah oo aad uga baahan tihiin inaad ka ogaataan Koobkan.

▪︎Qatar waa dalka ugu yar wadamada marti galiyay koobka aduunka.

▪︎Waa koobkii ugu horeeyay ee aduunka oo lagu qabto wadan ka mid ah wadamada Carabta.

▪︎Waa Taariikh dhacayso Koobkan Adduunka, waayo iyadoo la tixgelinayo qiimaha Qatar gelisey koobkani waxay ka dhigi doontaa Koobka Adduunka ugu qaalisan abid .

▪︎Qatar waxay Koobka Adduunka ku bixisay 220 Billion oo Euro oo ah guud ahaan lacagta Qatar kaga baxday koobkaan, waxaana la barbar dhigi karaa qarashka ku baxay 7 dhacdo oo Koobka Adduunka ah oo horay u dhacay, yacni 35-tii sano ee la soo dhaafay tartamada Koobka aduunka Qarashkii ku baxay inuu la egyahay midka Qatar kaga baxay.

▪︎Mudadii diyaar garowga koobkaan socday Qatar Waxay dhistay oo diyaarisay 6 garoon oo qaali ah oo ay ku rakiban yihiin Tignoolajiyada nuuc walba si uu u noqdo mid ay Taariikhda xusto.

▪︎Garoomadaas waxaa kamid ah Garoonka loo yaqaano 974 kaasoo ah Garoon ka sameysan 974 konteenar oo la isku rakibay sidoo kalana la dumin doono koobka aduunka ka dib, asigoona loo rari doono dal kale wuxuuna Garoonkaan qaadaa in kabadan 40 kun oo qof.

▪︎Qatar waxay diyaarisay 3.2 Million oo tikid ilaa iyo haatan, waxaana la filanayaa in mudada uu socdo koobkaan ay marti galin doonto inkabadan 5 Million oo Daawadayaal iyo Xulalka Cayaarayo isugu jiro.

▪︎Koobka Adduunka ee sanadkaan Qatar lagu qabanaayo  waa koobkii adduunka ugu horreeyay ee la qabto xiliga xagaaga.

▪︎Markii ugu horeysay taariikhda koobka adduunka waxaan daawan doonaa koob aduun oo ay Dumar garsoorayaal ka noqon doonaan.

▪︎Sidoo kale Markii ugu horeysay taariikhda Afrika dhammaan 5-ta Xul ee matalaya taranka waxaa hogaamin doona macalimiintooda dhaladka ah.

▪︎Cayaaryahanka ugu da’da yar ee ka qayb galaya World Cup sanadkan waa Yusuf Mukoko oo u dhashay Jarmalka, halka kan ugu da’da weyn-na uu yahay Laacibka Qaranka Mexico Alfredo Talavera.

WD: Ustaad Abukar Mohamed Bashir.

- Advertisement -