Wararkii Ugu Dambeeyay Xaalada Gobolka Gedo iyo Dowlada oo ciidamo ku daabuleysa

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa u muuqata mid la wareegtay inta badan gacan ku heynta degmooyinka gobolka Gedo ay horey u joogeen ciidamo ka amar qaata maamulka Jubbaland uu hogaamiyo Axmed Madoobe.

Ciidamo dowlada ka qaaday magaalada Muqdisho ayaa shalay si buuxda ula wareegay gacan ku heynta degmooyinka Balad Xaawo iyo Doolow halkaas ay joogeen ciidamo katirsan Jubbaland gaar ahaan kuwa taageersan Wasiirka Amniga Jubbaland.

Warar aan helnay ayaa sidoo kale sheegaya in maanta la filayo in degmada Balad Xaawo iyo degmooyin kale oo katirsan gobolka Gedo la geeyo ciidamo hor leh oo katirsan booliiska Haramcad kuwaa oo xaqiijinaya amaanka degmooyinkaasi.

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa dooneysa in meesha ka saarto in ay dib isku soo abaabulaan ciidamo horey u taabacsanaa Wasiirkii Amniga jubbaland Cabdirashiid Janan oo shalay gaaray degmada Balad Xaawo.

Xaalada degmooyina Balad Xaawo iyo doolow oo ay shalay la wareegeen ciidamada dowlada ayaa saakay degan, waxa ayna ciidamada degmooyinkaasi ka wadaan howlgalo amaanka lagu xaqiijinayo.

Gobolka Gedo oo hoostaga maamulka Jubbaland ayaa hada u muuqda mid maamulkiisa uu si buuxda gacanta ugu soo galayo dowlada federaalka Soomaaliya uu khilaaf xoogan xiligan kala dhaxeeyo maamulka Jubbaland uu hogaamiyo Axmed Madoobe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -