Itoobiya oo dalkii Sadexaad ka iibisay koronto laga dhaliyey biyo xireenka webiga Nile

Dowlada Itoobiya ayaa sheegtay inay billowday inay koronto u dhoofiso Kenya, sida uu dhigayo heshiis 25 sano ah oo u dhexeeya labada dal ee deriska ah.

Tallaabadan ayaa timid kadib markii Itoobiya horraantii sanadkan ay ku dhawaaqday inay bilowday inay koronto ka dhaliso mashruuca biyo xireenka muranka dhaliyey ee ay ka waddo webiga Niil.

Waaxda Korontada Itoobiya ayaa sheegtay in khadka isku xira labada dal oo ay ku kacayso 500 milyan oo doolar uu awood u leeyahay inuu gudbiyo 2,000 megawatts, isla markaana uu soo saaro ilaa 100 milyan oo doolar sannadkii.

Hay’adda Shidaalka iyo Tamarta ee Kenya (EPRA) ayaa xaqiijisay inay Khamiistii bilowday inay koronto ka keensato dalka Itoobiya.

Itoobiya ayaa markii ugu horreysay biloowday inay koronto ka dhaliso biyo xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam ee ku yaal webiga Blue Nile bishii Agoosto, waxayna bishii Ogosto ku dhawaaqday in marawaxadaha labaad ay bilaabeen inay soo saaraan koronto.

Mashruucan oo ku kacaya 4.2 bilyan oo dollar, kaas oo ka careysiiyay dalalka dariska ah ee Suudaan iyo Masar, ayaa ugu dambayntii la filayaa in laga dhaliyo in ka badan 5,000 oo megawatts oo koronto ah, taasoo Itoobiya awood  u siineysa iney koronto qiimo jaban siiso dalalka deriskeeda ah.

Kenya ayaa noqotay dalkii 3aad ee Itoobiya Koronto ka iibsada, Itoobiya ayaana horey Sudan iyo Jabuuti u siisay koronto, waxayna heshiisyo is-afgarad la saxiixatay Koonfurta Suudaan, Tanzania iyo maamulka Somaliland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -