Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidamada Ukraine oo lagu eedeeyey iney laayeen askar Ruush ah oo isu dhiibtay

Ciidamada Ukraine ayaa laayey askar ka tirsan milateriga Ruushka oo isku dhiibay sida ku cad Video laga soo duubay jiidda hore ee dagaalka bariga Ukraine.

Falkan ayaa ka dhacay Sabtidii magaalada Makiyivka, oo ah tuulo ku taal jiidda hore ee gobolka Luhansk.

Video lagu soo duubay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa soo baxay galinkii dambe ee maalintaas iyo Axadii kaasoo ay baahiyeen baraha taageera Ukraine. waxaana lagu muujinayay meydadka tiro askar ah oo ku labisan dareeska askarta oo dhulka daadsan.

Muuqaalo kale oo soo baxay ayaa laga dhex maqlayay qeylo dad ku hadlaya luuqada Ukraine oo oranaya “qof kasta oo ku dhuumaaleysanaya halkan waa inuu soo baxo. ka dib waxaa la arkayay askar mid mid u soo baxaysa oo seexanaya iyagoo dhulka dhigaya Wejiga.

Markaa nin ku labisan dhar madow oo hubaysan ayaa rasaas ku furaya marka uu hore u socdaba.

Ruushka oo ka fal celinayaay muuqaalkan ayaa ku eedeeyay Ukraine inay dil toogasho ah ku fulinayso maxaabiis taasoop ka baxsan xeerarka caalamiga ah, taasoo noqon doonta dembi dagaal.

Ukraine ayaan weli ka jawaabin eedeymaha loo soo jeediyay., iyadoo qaar ka mid ah masuuliyiinta dalkaas oo wax laga weydiiyey dhacdadan ay ku gaabsadee iuu socdo baaritaan aysana hadda kaa hadlin karin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Ciidanka dowladda oo maanta ka baxay deegaan Dhiig badan ku daatay

Cabdi Cade

Booliska Ugandha oo fashiliyey qaraxyo ku wajahnaa caasimada Kampala

Caydiid Ali

Masuuliyiin iyo dadweyne ka qeyb galay aaska marxuum Cali Nuur Shuute (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---