Allbanaadir.com
NEWS

Bandow lagu soo rogay Xerada Xalane iyo Sababta keentay oo la cadeeyay

War qoraal ah oo caawa kasoo baxay howl-galka Nabad Ilaalimta Midowga Afrika ee ATMIS ayaa lagu sheegay inĀ  bandow lau soo rogay xerada Xalane ee ku dhegan garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ayna degan yihiin Safiiro iyo diblumaasiyiin reer Galbeed ah.

Bandowgan lagu soo rogay xerada Xalane ayaa soconaya muddada u dhaxeysa 10-16 bishan April, waxaana bandowga sababta loogu soo rogay Xalane lagu sheegay in ay la xiriirto hawlgallo amni.

Qoraalkan kasoo baxay howlgalka ATMIS ayaa lagu wargeliyey hey’adaha UN-ka, diblomaasiyiinta caalamiga ah, NGOs, qandaraasleyaasha ee degan xerada Xalane iyo sidoo kale dowladda federaalka Soomaaliya.

Bandowgan ayaa imaanaya xilli dhawwaan dagaalyahano hubeesan oo katirsan Al Shabaab weerar ku qaadeen qeyb kamid ah xerada Xalane gaar ahaan dhinaca Afisiyooni, waxaana weerarkasi ku dhintay ku dhawwaad 10-qof ay ku jiraan ajaaniib.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Masar oo Muqdisho soo gaarsiisay Saraakiil & saanad milateri

Caydiid Ali

Guddi baaritaan ku sameeya dadkii lagu laayay deegaanka Gololey oo la magaacabay

Cabdi Cade

Taageerayaasha Donald Trump oo ku baaqay in Ilhan Cumar Soomaaliya loo celiyo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---