Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Rajo sare oo laga qabo in la helo talaal looga hortago Coronavirus (COVID-19)

Talaal loogu talagalay la dagaalanka Coronavirus ayaa lagu wadaa inuu diyaar noqdo bisha Sebtembar sida laga soo xigatay aqoonyahano ka howlgasha Jaamacadda Oxoford oo ah jaamacada ugu weyn dalka Britain

Professor Sarah Gilbert ayaa sheegatay in la wado isku dayo lagu sameynayo talaalka xanuunka Covid-19 loona baahan yahay in si tartiib-tartiib ah loo wado geeddi socodka soo saarista tallaalka.

”Waxaanu dooneynaa inaan ku bilowno soo saarid caddadeedu badan tahay si ay dad badan u qaataan talaalka”, ayay tiri.

”Ma ahan arrin cusub in shirkadaha ay soo saaraan tallaal cusub ka hor inta aysan ogaan wax tarkeeda. Ma jirto cid dooneyso in iyadoo haysta tallaal uusan hadana u shaqeynayn”.

”Si dhakhsiya waa inaan u bilownaa si aan qiyaas ahaan u helno ilaa bilyan talaal.” ayey tiri Professor Sarah Gilbert.

Britain ayaa ka mid ah meelaha uu faraha kulul ku hayo cudurka Covid-19 isagoo dalkaasi ku dilay kumanaan qof halka kumanaan kale ay la ildaran yihiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse oo Dhagax-dhigay Warshad Nuuceeda dalka ku cusub yahay (Sawirro)

Cabdi Cade

Jaamacada Jazeera oo Ogeysiis Muhiim ah u heysa ardayda dhameysatay dugsiyada sare 

Cabdi Cade

Mareykanka oo Israel ku cadaadinaya iney joojiso weerarka aargoosiga ah ee Iran

Caydiid Ali
Taboola Ads ---