Soomaaliya oo u codeysay qaraar ka dhan ah Muslimiinta Uyghur ee dalka Shiinaha

Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa ku guul daraystay inay meel mariyaan qaraar la doonayey in sannadka dambe dood laga yeesho, oo lagaga hadlo tacadiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee ka dhacay gobolka Xinjiang, ee dalka Shiinaha, tacadiyadaas oo si gaar ah loogu geysto qowmiyadda Uyghur iyo muslimiinta kale ee gobolkaas ku nool.

Qaraarkan oo la soo hordhigay inay u codeeyaan 47-ka xubnood ee Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay, ayaa 17 ka mid ahi waxay taageereen in sannadka dambe dood laga yeesho, halka 19 dal ay ka hor yimaadeen, waxaana qaraarkan ka aamusay 11 xubnood.

Ka hor intii aan codaynta la bilaabin, qaar ka mida dalalka xubnaha ka ah golahan ayaa si adag u soo bandhigay mowqifkooda ku aaddan qaraarkan qabyada ah, iyo muhiimadda uu u leeyahay in goluhu taageero. Maraykanka oo ka mid ah toban dal oo reer Galbeedka ah oo dabada ka riixayey qaraarkan ayaa golaha soo hordhigay.

Cadaadis uu saaray dalka Shiinuhu illaa 13 waddan oo Afrikan ah ayaa faa’iido u noqotay ama horseedday inaan la meelmarin qaraarkan. Sideed dal ayaa ka hor yimi qaraarka, halka afar dalna ay ka aamuseen, Soomaaliya ayaa noqoday dalka keliya ee ku yaalla Afrika, kana tirsan Ururka Midowga Islaamka ee qaraarkan taageeray.

Arrinta kale ee xusidda mudan ayaa ah, in afar dawladood oo muslimiin ahi inay ka horyimaadeen qaraarkan, halka dawlad kale oo muslim ahina ay ka aamuseen.

Danjiraha Maraykanka u qaabilsan Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay Michele Taylor ayaa xustay in caddaymaha muujinaya xad-gudubyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka ee ka dhacay gobolka Xinjiang ee dalka Shiinaha in lagu soo bandhigay warbixintii Qaramada Midoobay ee la soo saaray bil ka hor. Waxay intaas sii raacisay, inay muhiim tahay in madal dhexdhexaad ah lagu qabto dood arrintaas ku saabtan.

Warbixin ay soo saartay bishii August 31-keedii, madaxii hore ee Golaha Xuquuqal Insaanka ee Qaramada Midoobay Michelle Bachelet, waxay ku xustay caddaymo muuqda oo ka hadlaya jidh-dil, bahdilaad, xadgudubyo galmo, ama xadgudubyo jinsi oo ka dhan ah qowmiyadda laga tirade badan yahay ee Uyghur. Warbixinta ayaa ku sheegtay in xadgudubyadaasi, inay gaadhsiisnaan karaan illaa heer lagu tilmaamo, xadgudubyo ka dhan ah bini’aadantinimada.

In ka badan hal milyan oo ah qowmiyadda Uyghurs iyo kooxo kale oo muslimiin ah ayaa lagu soo waramayaa inay ku xidhan yihiin, waxa loogu yeedho xarumaha farsamada gacanta ee gobolka Xinjiang. Shiinaha ayaa si joogto ah u dafira eedahaas, isagoo markale ku heliyey isla fariintaas.

Danjiraha Shiinaha u fadhiya xafiiska Qaramada Midoobay ee ku yaalla Geneva ayaa sheegay in hindidaha qabyada ahi uu yahay mid siyaasadaysan oo uu Maraykanka iyo dalalka kale ee reer Galbeedku ay dabada ka riixayaan, wuxuuna ku eedeeyey inay been abuur sameeyeen, isla markaana ay Shiinaha ka faafiyeen warar aan sugnayn.

Dalka Shiinaha ayaa cadaadis badan ku haya muslimiinta ku nool gobolka Xinjiang oo lagu hayo tacadiyo ka dhan ah diinta ay aaminsan yihiin.

Xigasho: VOA

 

- Advertisement -