Ehelada Mukhtaar Roobow oo beeniyey qoraalkii uu soo saaray Taliyaha NISA

Ehelada Mukhtaar Robow, ku xigeenkii hore ee hogaanka Al-Shabaab oo muddo saddex sano ah u xirnan dowladda Soomaaliya ayaa beeniyey hadal kasoo baxay ku-simaha hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka ee NISA Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Yaasiin Farey).

Yaasiin Farey oo ka jawaabayay dalab la xiriiray xaaladda Rooboow uu uga yimid wasiirka Amniga Qaranka Cabdullaahi Maxmed Nuur ayaa jawaabtiisa ku sheegay in Roobow uu halis ku yahay bulshada iyo inay si joogto ah ugu yimaadaan, soona booqdaan qoyskiisa, xaaskiisa iyo ciddii kale ee uu dalbado.

Waxaa kale oo warqadda Hay’adda Sirdoonka ka soo baxday lagu sheegay Mukhtaar Roobow Cali (Abu-mansuur) inuu jaamacad ka dhigto shahaadada labaad ee Masterka macallimiintiisana xiriir joogta uu la leeyahay.

Balse waxaa hadalka NISA si kulul u beeniiyey ehelada Mukhtaar Roobow oo warbixintaas ku tilmaamay mid xaqiiqada ka fog.

Ibraahim Roobow Cali oo ay walaalo yihiin Mukhtaar Roobow ayaa warqadda kasoo baxday Hay’adda NISA ku tilmaamay wax aad loola yaabo isagoo xusay in muddo saddex sano ah aysan indhaha saarin walaalkood, cid booqatayna aanay jirin, caafimaadkiisa iyo xaalada uu ku noolyahayna aysan jirin cid ka war heysa.

“Bishii Janaayo 2019 aniga iyo rag xildhibaano ah ayaa naloo ogolaaday inaan soo aragno, markaasna wuxuu ku xirnaa xarunta hay’adda Nabad-Sugidda Qaranka ee Habar Khadiijo, wixii waqtigaas ka dambeeyey indho ma saarin” ayuu yiri Ibraahim.

“Mukhtaar Roobow inuu nool yahay waxaan ogaanay markii uu bishii Oktoabar ee sanadkan wareysi siiyey VOA, waqtigaasna codkiisa waxaan ka dareemeyeyn in caafimaad ahaan uu liito, isaga ayaana idaacada u sheegay inaan loo ogoleyn inay xaasaskiisa iyo eheladiisa kale u yimaadaan, sidoo kalena loo diiday waxbarashada” ayuu yiri Ibraahim Roobow.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -