Deni oo Salaada ciida kala qeyb galay qaar ka tirsan shacabka Garoowe (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi  Deni, oo ay weheliyaan Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, ayaa Shacabweynaha Caasimada Garoowe  salaadii Ciidul Fidriga Kula tukaday Garoonka Kubadda Cagta ee Mire Awaare.

“Waxaan ugu hambalyeeynaya Bulshada farxada Ciida, Anigoo alle ka baryaya in uu inaga aqbalo Acmaashii wanaagsaneyd ee aynu soo gudanay Bishii Ramadaan.” Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Munaasabadda Oogista Salaadda Ciidul Fidriga waxaa ka qeybgalay Goleyaasha Dowladda, Dhaqanka, Maamulka Gobolka Nugaal, Kan Degmada Garoowe, Saraakiisha Ciidanka  iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Caasimada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -