Booliska Chibombo oo u dhacay guri lagu qarinayey tahriibayaal ay Soomaali ku jiraan

Ciidan ka tirsan Hay’adda Socdaalka ee dalka Zambia ayaa waxay u dhaceen Guri lagu hayey Tahriibayaal ka soo kala jeeda dalalka Somalia iyo Ethiopia.

Shabakada Times of Zambia ayaan qortay inay Ciidanka qaadeen Hawlgalkaasi, kadib, markii lagu soo wargeliyey in Guri ku yaalla Degmadda Chibombo ee Bartamaha dalkaasi lagu hayo Muhaajiriin Shisheeye ah.

.Mukhalas  31 jir ah, laguna magacaabo John Mukalama iyo 14 qof oo Muhaajiriin ah ayaa laga soo qabtay gurigaasi, sida ay sheegtay Ku-Simaha Sarkaalka Xiriirka Dadweynaha ee Hay’adda Socdaalka ee dalka Zambia,  Josephine Malambo.

Waxay intaasi ku dartay inay Saraakiisha si degdeg ah uga jawaabeen Wicitaan uga yimid Haweeneyda leh Milkiyadda Gurigaasi laga kireystay ee lagu hayey Muhaajiriintaasi.

Haweeneydaasi waxay tilmaantay inay shakisay markii ay Daaqada ka aragtay ilaa 14 qof oo Muwaadiniin Shisheeye ah oo ku sugan Guriga.

Ciiddanka waxay wadaan Hawlgal ay ku baadi-goobayaan Haweeney horey u kireysatay Gurigaasi oo magaceeda lagu sheegay Doreen Mwanza.

Mukhalaska, John Mukulama waxa uu sugayaa in Maxkamad la soo taagay, halka Muhaajiriinta oo 6 Somali tahay iyo 8 Ethiopian lagu hayo Xarun ay Asluubta ku leeyihiin Degmadda Mwembeshi, si loo marsiiyo baaritaano dheeraad ee Nidaamka Socdaalka ee dalka Zambia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -