Maxkamada ciidamada qalabka sida oo xukun toogasho ah ka fulisay Muqdisho

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa dil toogasho saaka ku fulisay Xidigle Cabdi Naasir Daa’uud Shiikh Hassan oo ka tirsanaa ciidamada DF, kaasoo ka dhacay xerada Jeneraal Goordan oo ku taalla degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Askarigan ayaa lagu helay inuu hore u dilay Taliye Ururkiisii Dhamme Cabdi Maxamed Axmed Hurdaaye 29 Bishii la soo dhaaftay ee September ee  Sanadkan 2022.

Xeer ilaalinta Maxkamadda ayaa horay ugu eedeysay xidigle Cabdinaasir in uu ka baaqsaday safar dhinaca dhulka ah oo ay geli lahaayeen Ciidamada uu ka tirsanaa, balse isaga uu ku doodayay in xaquuqdiisii mushaharka uu waayay.

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa dhawaan xukun dil toogasho ah ku riday, ugu dambeyna saaka ku fulisay, iyadoo leysku dhinac aasay isaga iyo taliyihiisa.

Dowlada Somalia ayaa dadka xukunada dilka lagu fuliyo ku sameyn fagaaraha Iskoolo Buluusiyo ee degmada Xamar jajab, waana markii ugu horeysay ee xukun toogasho ah lagu fuliyo gudaha xerada Jeneraal Goordan ee degmada Hodan.

 

- Advertisement -