War cusub oo ka soo kordhay ninkii caruurta ku laayey dalka Thailand

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan Nin hubeysan oo dugsi xanaano oo ku yaala waqooyiga Thailand ku laayey ugu yaraan 38 qof oo u badan caruur yar yar.

Ninkan oo falkaan ka gaystay magaalada Utthai Sawan ayaa ahaa sarkaal hore oo boolis ah kaasoo laga eryay shaqada waxaana uu wajahayay maxkamad ku saabsan eedo la xiriira waxyaabaha maanka-dooriya.

Iskuulka weerarku ka dhacay ayaa la sheegay inuu la soo galay qori iyo mindi, wuxuuna si toos ah u weeraray macallimiin iyo carruur goobta ku sugnaa.

Intaasi kadib ayuu gaari ku baxsaday, isagoo dhowr qof ku jiiray xilli uu kusii jeeday hoygiisa, halkaasoo uu ku dilay, xaaskiisa iyo wiil uu dhalay ka hor inta aanu isagu is dilin.

Dowladda Thailand ayaa sheegtay in xasuuqaasi uu sababay murugo soo wajahday guud ahaan shacabka dalkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -