Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweynaha Israa’iil oo god hoostiisa loola cararay kaddib markii…

Madaxda iyo shacabka Israa’iil, ayaa lagu qasbay in guryahooda isaga cararaan, waxa ayna gabaad ka dhigteen godad dhulka hoostiisa ah , si ay uga badbaadaan duqeymaha culus ee Iran dalkaasi ku garaaceyso.

Madaxweynaha maamulka Israa’iil, Isaac Herzog, ayaa kamid ah madaxda Israa’iil ee godadka gabaadka ka dhigtay , waxaana sawirro lasoo qaaday la arkayay madaxweynaha iyo xubno kale oo godadka ku hoos jira.

Gantaalada Iran, ayaa saacad kasta ku hoobanaya magaalada Tel Aviv ee caasimadda Israa’iil iyo magaalooyin kale, waxaana kala carar iyo hoyan waa ku jira shacabka iyo madaxda Israa’iil.

Nidaamka difaaca Israa’iil , ayaa ku fashilmay in ay kahor tagaan gantaalada Iran ku garaaceyso magaalooyinka waa weyn, waxaana duqeymaha Iran sababeen dhimashooyin, dhaawacyo iyo burbur baahsan.

Related posts

Galmudug oo dib u dhigtay doorashada 3 ka mid ah kuraasta golaha Shacabka

Caydiid Ali

Muhaajiriin badan oo kusii jeeday Qaarada Yurub oo ku geeriyooday Jasiirada Lampedusa

Cabdi Cade

Yaa Hormuud u ah Boobka Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee bilaabatay ? (Ogow)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---