RW Xamse oo warbixin ka dhegeystay Wasiiro ka tirsan dowlad goboleedyada (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa galabta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirrada Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee heer Federaal iyo kuwa Dowlad Gobolleedyada.

Xamse ayaa Wasiirrada ka dhageystay warbixin ku saabsan kulamo ay ku lahaayeen magaalada Muqdisho maalmihii la soo dhaafay, kuwaasoo ku saabsanaa wadashaqeynta Wasaaradda Dhallinyarada iyo kuwa Dowlad gobolleedyada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boggaadiyay dadaalka ay wadaan wasiirrada – isaga oo tilmaamay ahmiyadda ay leedahay in la xoojiyo kacdoonka shacabka iyo dagaalka ay dowladdu kula jirto Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in gaar ahaan dhallinyarada looga fadhiyo in kaalin firfircoon ay ka qataan dib u xoreynta iyo sugidda amniga, ayna noqdaan kuwo hormuud ka noqda kacdoonka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -