Gabar Soomaaliyed oo geeriyootay markii ay ka soo dhacday dhisme 6 dabaq ah

Gabar Soomaaliyeed ayaa geeriyootay ka dib markii ay si lama filaan ah uga soo dhacday dhisme lix dabaq ka kooban

Marxuumad Maha Ibraahim Cumar oo ahayd gabarh 24 jir ardayad ah kana soo jeeda magaalada Hargeysa ayaa ku geeriyootay dalka Turkiga, kadib markii ay kasoo dhacday dhisme dabaq ah oo ay deganayd, kaasoo ahaa Jaamacaddii ay ka dhiganaysay dalka Turkiga gaar ahaan magaalada Istanbul.

Sida ay ku warramayso Warbaahinta Turkigu ilaa hadda ma cadda sababta shilkan keentay, balse Booliska ayaa gacanta ku haya kiiskan.

Gabadhan ayaa ka baxday dugsi ay Turkidu maamusho oo Hargeysa ku yaalla, iyadoo markii danbe deeq waxbarasho ka heshay jaamacadda Sabahattin Zaim University ee Istanbul.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -