Allbanaadir.com
NEWS

Kulan muhiim oo Muqdisho ku dhax maray DFS iyo dowlad goboleedyada

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta si rasmi ah u shir guddoomiyay kulan muhiim ah oo looga hadlayay dardargelinta wajiga labaad ee Barnaamijka JPP (Joint Police Programme – Phase 2).

Kulankan ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Amniga Gudaha, Wasiirrada iyo wakiillo ka kala socday Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kala ah:

Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Jubbaland iyo Galmudug, Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha, iyo sidoo kale xubno ka socday hay’adaha iyo wakiilada caalamiga ah ee taageera barnaamijka, sida Boqortooyada Ingiriiska (UK), Midowga Yurub (EU), Qamarada Midoobay iyo khubaro dhanka amniga ah.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray:

•Dardargelinta hirgelinta wajiga labaad ee barnaamijka JPP.

•Xoojinta iskaashiga dhanka amniga ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada.

•Kor u qaadidda tayada iyo awoodda ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

•Kordhinta la xisaabtanka, hufnaanta iyo waxtarka barnaamijka.

Wasiir Fartaag ayaa sheegay in JPP uu yahay barnaamij muhiim ah oo wax ka beddelay habka taageerada booliska Soomaaliya, isagoo carabka ku adkeeyay in wajigan labaad uu noqon doono mid horumar muuqda lagu gaari doono.

Related posts

Balan qaadyadii aan fulin ee Madaxweyne Farmaajo sameeyay 2-sano kahor !!

Cabdi Cade

Maktabada qaranka oo deeq buugaag ah ka gudoontay Maktabadda Qatar (Sawirro)

Cabdi Cade

(Sawirro) Shirkad Mareykan ah oo arrimo Jaceyl awgood khasaartay ballaayiin dollar

Caydiid Ali
Taboola Ads ---