Waxaa saacadihii lasoo dhaafay baraha bulshada iyo warbaahinta qaar qabsaday, warar sheegaya in magaalada Tehran lagu dilay Madaxweynihii hore ee dalla Iran Mahmud Ahmedinajad .
Madaxweynaha, ayaa la baahiyay in lagu dilay duqeyn dhinaca cirka ah es Isra’il ka fulisay goob uu ku sugnaa, mana jirin warkaasi cid si rasmi ah u xaqiijisay marka laga reebo baraha bulshada iyo warbaahinnada qaar ee lagu baahiyay.
Wakaaladda wararka Iran ee IRNA , ayaa goordhaw beenisay wararka la xiriira in la dilay madaxweynihii hore ee Iran, Mahmoud Ahmadinejad, waxa ayna wakaaladda warkaasi ku tilmaantay been abuur cadawga faafiyay.
Israa’iil , ayaa beegsi ku heysa hoggaanka sare ee Iran iyo qaar kamid ah madaxdii horey dalkaasi usoo maamushay, waxa ayna Israa’iil dishay taliyaal ciidan iyo xubno kale oo muhiim u ahaa dowladda Iran.