Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Burundi oo shaacisay tirada askarta looga laayey Weerarkii ka dhacay duleedka Balcad

Dowlada Burundi ayaa shaacisay tirade askarta looga dilay weerar Kolonyo ka tirsan ciidamadooda loogu geystay tuulada Gololey ee duleedka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Burundi oo aan magaciisa la shaacin ayaa Wakaaladda Waraka ee AFP u sheegay in weerarkaas Ciidamadooda looga dilay 12 askari lix kalena lagu dhaawacay.

“Nasiib darro 12 kamid ah Ciidamadeena ayaa la dilay lix kalena waa la dhaawacay (Sabtidii) xagjiriinta Al-Shabaab ayaa weerarey kolonyo ka tirsan Ciidamadeena oo ku sii jeeday magaalada jowhar” ayuu yiri sarkaalkan.

Burundi oo ka mid ah dalalka ciidamada ugu badan ku leh howlgalka AMISOM ayaa intii ay joogeen waxaa Somalia looga dilay askar fara badan.

Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyada weerarka loo geystay Kolonyada ka tirsanaa Ciidamada Burundi lagula eegtay tuulada Gololey ee duleedka degmada Balcad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo Weerar dhoor Jiho ah ku qaaday Afgooye iyo dagaal culus oo ka dhacay

Cabdi Cade

(Sawirro) Muuse Biixi iyo wafdigiisa oo si weyn loogu soo dhoweeyey Addis ababa

Caydiid Ali

Ciidamada dowlada federaalka oo ku wajahan Degmada Ceel Waaq iyo Masuul ka hadlay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---