Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Ciidamo katirsan AMISOM oo saakay lagu soo dhaweeyay Dhuusomareeb (Daawo Sawirada)

Waxaa saakay magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug gaaray ciidamo katirsan AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dalka Jabuuti oo kasoo kicitimay magaalada Baladweyne.

Xildhibaano katirsan labada Aqal , masuuliyiin iyo saraakiil katirsan ciidanka dowlada federaalka ayaa duleedka magaalada Dhuusomareeb kusoo dhaweeyay ciidamadan katirsan AMISOM ee saakay soo gaaray Dhuusomareeb.

Xubnihii kala duwanaa ee ka hadlay soo dhaweynta ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in ciidanka Hiil Walaal yimaadaan Dhusomareeb, waxa ayna sheegeen in ciidankan qeyb ka noqonayaan xaqiijinta amaanka

Ciidamadan ka socda AMISOM ayaa la wareegi doono amaanka xarumo muhiim ah oo kuyaala magaalada Dhuusomareeb gaar ahaan garoonka diyaaradaha, Madaxtooyada iyo xarunta Shiirkole ee lagu qabanayo shirka dib u heshiisiinta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo & dhigiisa Erdogan oo khadka telefanka ku wada hadlay

Caydiid Ali

Milatariga Sudan iyo Ciidamada RSF oo heshiis Cusub gaaray iyo Mareykanka oo…

Cabdi Cade

Israel oo duqeyn ku bilowday Rafah caruur & haween badana ku xasuuqday (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---