Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump , ayaa goordhaw shaaca ka qaaday in ay la socdaan halka uu isku qarinayo hoggaaniyaha ruuxiga ee maamula kacaanka Iran Aayatullah Ali Khameni.
Qoraal kooban uu soo saaray Madaxweyne Trump kuna daabacay bartiisa bulshada, ayuu ku sheegay in ay og yihiin halka uu isku qarinayo Khamenie, waxa uuna xusay in aysan hadda dooneyn in ay dilaan hoggaamiyaha ugu sarreeya Iran.
“Waan ognahay meesha uu isku qarinayo ninka isugu yeera ‘hugaamiyaha ruuxiga ah. Waa bartilmaameed sahlan, balse waa ammaan , ma dili doono, ugu yaraan hadda ma dilayno” ayuu yiri Madaxweyne Trump.
Madaxweyne Trump ayaa qoraalkiisa intaasi ku daray “Ma rabno inaan gantaalo shacab lagu dhufto, ama askar Maraykan ah. Dulqaadkeenu wuu sii yaraanayaa. Ku mahadsanidiin fiirintiina arrinkaan.
Madaxweyne Trump, ayaa marar badan uga digay in la dilo Ra’isul Wasaaraha Isra’il Netanyahu oo sheegay in ay beegsanayaan Aayatullah, waxa uuna Mareykanka ka baqayaa in faraha kasii baxdo xaalada hadda taagan haddii la dilo Aytatullah Ali Khamenie.