Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo ka hadlay Qaraxyadii Baledweyne Amar degdeg ahna bixiyay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii bahalnimada ahaa ee ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo dad aan waxba galabsan lagu laayey.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa amray in Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda Soomaaliya iyo Hay’adaha kale ee dowladdu gurmad deg-deg ah u fidiyaan dhaawacyada ka dhashay qaraxa.

“Falkaan wuxuu caddeyn u yahay sida ay weli ugu ooman yihiin kooxaha nabadiidku daadinta dhiigga dadka Shacabka ah, waana mid ay rabaan in ay ku niyad jabiyaan dadka u istaagay dagaalkooda, dhiigga dadkeenna qiimaha badan ee maalin walba ay daadinayaan ma’ahaan mid looga hari doono” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Mudane Xamse ayaa bulshada Soomaaliyeed waxa uu mar kale ugu baaqay inay xoojiyaan dagaalka lagu ciribtiraayo kooxahan xagjirka ah ee banneystay nafta, maalka iyo sharafka ummadda.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehellada dadkii naftooda ku weeyey weerarkii maanta ka dhacay Beledweyne, waxuuna Allah uga baryey caafimaad deg-deg ah in uu siiyo dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha Wasiirrada Puntland oo ansixiyay xeerar iyo Miisaaniyadda Sannadka dambe

Cabdi Cade

Dowladda Sweden oo War kulul kasoo saartay Falkii lagu gubay Kutaabka Qur’aanka

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo dhagax dhigay Waddo laami ah oo laga dhisayo Kismaayo (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---