Allbanaadir.com
NEWS

Golaha Wasiirrada Puntland oo ansixiyay xeerar iyo Miisaaniyadda Sannadka dambe

Madaxweynaha  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay:-

* Amniga.

* Ansixinta Miisaaniyadda 2025.

* Fariisiinta Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka kala ah Garoowe, Godobjiiraan iyo Dangoroyo.

* Ansixinta wax-ka-bedelka Xeerka Xabsiyada Puntland, Golaha ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey wax-ka-bedel lagu sameeyay Xeerka Xabsiyada Puntland oo ay Golaha la wadaagtay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta.

Golaha ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Miisaaniyadda maamulka Puntland ee 2025, taasi oo noqonaysa wadarta guud $466,840,762 waxaa ay Miisaaniyadu korortay 18% marka la barbardhigo sannadka 2024.

 

Related posts

Deni oo lagu eedeeyey inuu iska daawanayo dhibaatada heysata reer Laascaanood

Caydiid Ali

Dilal ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Taliyaha ciidanka Dhulka iyo Saraakiil kale oo abaabul u tagay Shabeelaha Hoose (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---