Dowladda Sweden oo War kulul kasoo saartay Falkii lagu gubay Kutaabka Qur’aanka

Dowladda Sweden ayaa markii ugu horeesay si rasmi ah uga hadashay falkii foosha xumaa ee lagu gubay Qur’aanka Kariimka, falkan oo ka dhacay isbuucii hore bannaanka masjidka weyn ee magaalada Stockholm ee dalka Sweden.

Sweden ayaana falkan gubitaanka Qur’aanka uu ku kacay nin kasoo jeeda Ciraaq  si kulul u cambaareesay , waxa ayna ku tilmaantay gubida kutaabka Qur’aanka Kariimka fal Islaam naceyb ah.

Wasaaradda arrimaha dibadda Sweden ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in ay si adag uga soo horjeedaan falka lagu gubay kutaabka Qur’aanka,  waxa ayna falkaasi sheegtay in aysan raali ka aheyn marnaba aysan ka turjumeyn aragtida dowladda.

“Dowladda Sweden waxay si buuxda u fahamsan tahay in falalka Islaam nacaybka ah ee ay ku kacaan shaqsiyaadka ku sugan bannaanbaxyada Sweden ay noqon karaan kuwo meel ka dhac ku ah Muslimiinta,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Sweden.

Warkan kasoo baxay dowladda Sweden ayaa imaanaya xilli ay shir  xasaasi ka yeesheen Ururka Islaamka falkii lagu gubay kutaabka Qur’aanka, falkan ayaana si weyn loogu cambaareeyay dowladda Sweden oo dalkeeda marar badan Qur’aanka lagu gubay.

Dowladda Sweden ayaa cambaareyn xooggan kala kulantay falkan lagu gubay kutaabka Qur’aanka, waxaana qaar kamid ah waddamada Islaamka u yeertay safiiradii u joogay dalkaasi si ay u muujiyaan in ay ka xun yihiin falka ka dhacay Sweden.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -