Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo dhagax dhigay Waddo laami ah oo laga dhisayo Kismaayo (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo uu weheliyo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa magaalada Kismaayo ka dhagax-dhigay waddo laamiya oo 4KM ah, iskuna xireysa qaar kamid ah xaafadaha magaalada.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay munaasabadda dhagaxdhigga ayaa sheegay in dhismaha jidkani inuu qeyb weyn ka qaadan doonto amniga, bilicda, shaqo abuurka, horumarka iyo isku-socodka magaalada Kismaayo.

Waxa uu ugu baaqay Ra’iisul Wasaaruhu shacabka Somaaliyeed in ay ka qeyb qaataan horumarka iyo dib-u-dhiska dalkooda, gaar ahaan kaabayaasha muhiimka ah ee ay kamid yihiin waddooyinka oo xukuumaddu ay mudnaan gaar ah siineyso.

Related posts

Fahad Yaasiin” Jubbaland Jubaland goormey gudeysaa abaalkii Puntland”

Cabdi Cade

Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday Mashaariic Horumarineed (Sawirro)

Cabdi Cade

Musharaxa Bobi Wine oo shaaciyey inuu ku guuleystay doorashadii Ugandha

Caydiid Ali
Taboola Ads ---