Wararkii Ugu Dambeeyay qaraxyadii Baledweyne iyo Khasaaraha oo sii kordhay

Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa ka dhacay qaraxyo ismiidaamin ah oo lagu weeraray xerada Lamagalaay oo hadda xarun madaxtooyo u ah maamul goboleedka Hirshabelle.

Qaraxyada ismiidaaminta ah oo loo adeegsaday labo gaari oo qaraxyo laga soo buuxiyay mid kamid ahna uu ahaa gaari weyn ayaa ka dhacay afaafka hore ee xerada Lamagalaay , waxaana goobtaasi qaraxyada ka dhaceen aheyd meel mashquul ah ay dad badan joogeen.

Dad ka badan 10-qof ayaa lagu soo waramayaa in qaraxyada ku dhinteen, waxaana dadka dhintay ku jira masuuliyiin katirsan maamulka Hirshabelle, saraakiil ciidan iyo dad kale oo shacab ah oo goobta ku sugnaa.

Masuuliyiinta qaraxyada ku dhintay waxaa ku jira wasiirkii caafimaadka Hirshabelle Zakariye Hurre,Gudoomiye kuxigeenka maamulka iyo maaliyadda gobalka Hiraan Abuukar Cabdullaahi Maadey iyo Xildhibaan Geelle Isaaq iyo saraakiil ciidan.

Qaxyadan ismiidaaminta ah ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay dad badan oo ku jiraan masuuliyiin, waxaana wararka ka imaanaya isbitaalada Baledweyne sheegayaan in qaraxyada dadka ku dhaawacmeen qaarkood xaaladooda culus tahay.

Xaalada magaalada Baledweyne ayaa maanta ah mid aad u kacsan, waxaana qeybo badan oo magaalada kamid ah laga dareemayaa saameynta ka dhalatay qaraxyadii ismiidaaminta aheyd ee maanta ka dhacay Baledweyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -