Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wararkii ugu dambeeyey Khasaaraha qaraxii saaka ka dhacay Muqdisho

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax ismiidaamin ah oo saaka ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo si xoogan looga maqlay degmooyinka Wadajir iyo Dharkenley ayaa ka dhacay Xerada tababarka ciidamada Jen. Dhegabadan (Ex-Warshadii Nacnaca) oo ku taalla waddada aada dhanka deegaanka Jasiira ee duleedka Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu fuliyey qof isku soo xiray walxaha qarxa, kaasoo beegsaday dhalinyaro dooneysay inay ku biiraan ciidamada Xoogga dalka oo xilligaas saf ugu jiray in la diiwaangeliyo.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhinteen in ka badan 10 ruux oo u badnaa dhalinyaradii doonayay inay Ciidanka qortaan halka tiro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo la geeyay mid kamid ah Isbitaallada Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada qaraxaas manana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

Related posts

Baroor Diiq loo sameeyay Falastiiniyiin shalay lagu laayay Marinka Gaza (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Maxay Cali Guudlaawe & Dabageed habeenkii labaad ugu hoydeen Maxaas? (Sawirro)

Caydiid Ali

Baarlamaanka Puntland oo mushaar kordhin aan caadi aheyn sameestay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---