Madaxweyne Trump, ayaa u sheegay shabakadda ABC news , inuusan Mareykanka wax door ah ku lahayn weerarrada ay Israa’iil ka wado gudaha Iran, balse wuxuu suragal ka dhigay inay ku lug yeelan karaan
Mar la waydiiyay weerarrada burburinta ah iyo dilalka ay Israa’iili ka geysanayso gudaha Iran, wuxuu ku sheegay inay ku saxantahay tallaabooyinkaas Israa’iil, isagoo weerarradan ku tilmaamay in laga leeyahay ujeeddo ah Iran inay oggolaato heshiiska nukliyerka.
Trump, sidoo kale wuxuu sheegay inay socdaan dadaallo dagaalkan lagu joojinayo oo uu xoogga saarayo sida uu sheegay Madaxweynaha Ruushka , Putin oo uu ku sheegay inuu doonayo in la joojiyo dagaalka.
“Muddo xileedkii hore, waxaan xalliyay colaad xooggan u dhaxeysay Serbia iyo Kosovo, kaddib Masar iyo Itoobiya… waxaa xigay Pakistan iyo Hindiya , hadda waxaan billaabay inan joojiyo dagaalka Iran iyo Israa’iil oo aan bariga dhaxe ka dhigo nabad— Si iga duwan Biden wuxuu dhaawacay mustaqbalka fog sababtoo ah wuxuu qaatay go’aammo doqonimo ah, balse anigaa mar kale hagaajin doona! Waxaan qabtaa shaqooyin waaweyn, marar badanna lama aqoonsado, laakin waa hagaag – shacabka way fahmayaan.” ayuu yiri Trump.
Trump oo maalintii ee dagaalka ku jeesjeesayey Iran ayaa u muuqda inuu bedelay aragtidisa ku wajahan colaada ka dib markii uu arkay awooda Iran u leedahay burburinta Israel, wuxuuna haatan bilaabay inuu u ololeeyo joojinta dagaalka Israel iyo Iran.