Degaano ay ka mid yihiin Ceel lahelay iyo Moqokori oo lagala wareegay Al-Shabaab

Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa saaka la wareegay degaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan oo ka mid ah deegaanada fara ku tiriska ah oo Al shabaab kaga sugnaayeen gobolka Hiiraan.

Moqokori ayaa Al-Shabaab waxay ku lahaayeen fariisiin muhiim ah iyo Maxkamad muddo dheer.

Taliyaha ururka 41aad guutada 5aad qeybta 27aad ee ciidanka xoogga dalka, Cabdi Muumin Cilmi oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa u xaqiijiyay in Al-Shabaab ay isaga baxeen deegaanka ka hor inta aysan ciidanka gaarin.

Sidoo kale, Ciidanka xoogga dalka ee ku sugan Galmudug iyo dadka degaanka ayaa gacanta ku dhigay degaanka Ceel lahelay oo ka tirsan gobolka Galguduud halkaasoo waqti dheer ay gacanta ku haysay kooxda Al-Shabaab sida ay sheegayaan wararka na soo gaaraya.

Deegaanka Ceel lahelay ayaa waxa ku yaallaa inta u dhaxeeysay Degmooyinka Dhuusamareeb iyo Ceelbuur ee bartamaha Soomaaliya.

Hawlgal ballaaran oo saaka ka bilawday degaano ku yaalla dhanka bari ee degmada Baxdo ayay sidoo kale kula wareegeen ciidamada deegaanka iyo kuwa dowladda degaanada Maygaag Duub, Dhisaqa, Aboorey iyo kuwa kale.

Ciidamada dawladda iyo kuwa deegaanka ee iskaashanaya ayaa ku sii siqaya goobo kale oo ay ku sugan yihiin Al-shabaab,

Ciidamada Xoogga, Nabad-sugidda Qaranka iyo daraawiishta Galmudug ayaa qayb ka ah hawlgalkan oo daba socda howlgaladii todobaadyadii la soo dhaafay ka socday gobolada dhexe ee ka dhanka ahaa Al-Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -