Inta uu socday weerarkii ay waxyar ka hor Iran ku qaaday gudaha Israa’iil, waxaa isbeddel laga arkay Ciraaq, oo dhawaqa digniinta weerarrada laga shiday. xarumaha mareykanka ee dalkaas.
Qunsuliyadda guud ee Mareykanka oo ku taal Erbil, waqooyiga Ciraaq iyo saldhigga milatariga Mareykanka ee Al-Asad, galbeedka Ciraaq ayaa laga shiday dhawaqa digniinta
Shaqaalaha xarumahaas ayaa lagu amray inay galaan godod dhulka hoostiisa ah, sabab la xiriirtay cabsi laga qabay inay Iran ku dhafato gantaallo xarumahaas, tan oo la sheegay inay muujinayso cabsida laga qabo ballaarinta dagaalka u dhaxeeya Iran iyo Israa’iil oo gaari kara dalalka kale ee gobolka, sidaa waxaa werisay CBS news.
Warbixinno sirdoon oo lala wadaagay saldhigyada iyo safaaradaha Mareykanka ku leeyahay bariga dhexe ayaa loogu sheegay inay dhow dahay marxalad dagaalka u dhaxeeya Iran iyo Israa’iili, isugu rogi karo dagaal weyne gobolka gaara iyo weerarro kadis ah oo hantida Mareykanka ay la kulmi karto, sida uu ku warramay telefishinka Israa’iili ee Channel 12.
Safaaradda Mareykanka ee Baqdaad, ayaa soo saartay digniin rasmi ah “Waxaa korortay suurtagalnimada in kooxo argagixiso oo shisheeye ah ay weerarro ku qaadaan shirkadaha Mareykanka iyo goobaha ay sida joogtada ah u booqdaan muwaadiniinta Mareykanka.” ayaa lagu yiri qoraalka safaarada