Waxaa soo baxaya faahfaahino hordhac ah oo ku saabsan duqeymo culus oo galabta Iran ka geysatay magaalada Tel Aviv iyo goobo kale.
Ciidamada difaaca Israa’iil ayaa ka dhawaajiyey seeriga digniinta oo laga maqlay meelo badan oo ku yaalla Israa’iil ka dib markii ay aqoonsadeen gantaallo ku soo wajahan dalka Iiraan.
Wakaaladda wararka rasmiga ah Iran ee IRNA , ayaa shaaca ka qaaday ka qaaday inay Iran, gantaallo ku dhufatay guriga Netanyahu oo ku yaalla xaafadda Caesarea oo ka tirsan Tel aviv.
Xiliga guriga ay gantaalaha ku dhacayeen ayaa waxaa la sheegay iney maqnaayeen qoyska Netanyahu oo dareensanaa inuu bartilmaameed noqon karo, waxaana ku sugnaa oo kaliya ilaalo.
Hadera OPC waa xarun koronto oo awooddeedu tahay 148 megawatts (MW). Xarunta waxay koronto siin kartaa ilaa 100,000 qof. Qiimaha lagu dhisay qiyaas ahaan waa inta u dhexeeysa $150 milyan – $180 milyan, iyadoo ku xiran faahfaahinta farsamo iyo qalabka la adeegsaday. Israel ayaa ka hesha xaruntan lacag gaareysa $13 milyan bishii
Dhinaca kale, Qaraxyo ayaa isa galabta laga maqlay magaalada Tehran ee caasimadda dalka Iiraan, iyadoo ciidamada cirka ee Israa’iil ay sii wadaan duqeymaha ay ka geysanayaan guud ahaan dalka Iiraan.
Saxafiyiinta AFP ayaa soo sheegay in galabta ay maqleen qaraxyo cusub oo ka dhacay caasimadda Iiraan.
Warbaahinta maxalliga ah, oo ay ku jiraan wargeyska Ham Mihan iyo Khabar Online, ayaa sheegay in nidaamyada difaaca hawada laga hawlgaliyay galbeedka iyo waqooyi-galbeed ee Tehran “si looga hortago weerarro cusub.”
Milatariga Israa’iil ayaa dhankiisa sheegay saakay in ay duqeeyeen “in ka badan 80 bartilmaameed” oo ku yaalla Tehran xalay.