Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidamada huwanta oo saaka Weeraray degaano ay ku sugan yihiin Al-Shabaab

Ciidanka xoogga dalka, kuwa Galmudug iyo Xooggaga deegaanka oo iska kaashanaya ayaa saaka u jihaystay degaano ka tirsan Galmudug oo ayu gacanta ku heyso Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in aroortii saaka ciidanku ay mar qura ka dhaqaaqeen jihooyin badan oo farriisimo u ahaa isla markaana ay gudaha u galeen tuulooyin dhowr Km u jira degaanka Cadakibir.

Dhanka Kale, Ciidanka huwanta ee shalay la wareegay Deegaanka Labi dulle ayaa iyana saaka u jihaystay dhanka degaanada Ceel-la helay iyo Ceel-garas ee gobolka Galgaduud oo wararka laga helayo ay sheegayaan in Al-shabaab ay bilaabeen iney ka baxaan.

Kacdoon ay wadaan shacabka iyo beelaha qaarkood ayaa ka socda gobolada Hiiraan iyo Galgaduud ee bartamaha Somalia kaasoo ka dhan ah Al-shabaab, waxaana kacdoonkan taageeraya ciidamada dowlada Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

Related posts

UK oo Digniin adag kasoo saartay Khilaafka Farmaajo iyo Rooble fariina u dirtay Ciidanka

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo wadahadallo la yeeshay dhigiisa Shiinaha Xi Jinping (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Dhalinyaro Soomaali ah oo lagu dilay duleedka Magaalada Cape Town (Magacyada)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---