Allbanaadir.com
NEWS

Baarlamaanka Puntland oo mushaar kordhin aan caadi aheyn sameestay

Xildhibaannada Golaha Wakiiladda maamul goboleedka Puntland, ayaa sameestay mushaar kordhin aad u badan, xilli shacabka reer Puntland ay wajahayaan xaalado adag oo dhinaca nolosha ah , sidoo kale Baarlamaanka lagu eedeenayo in aysan la imaan wax qabad muuqda.

Sida aan xogta ku helnay xildhibaannada Golaha Wakiiladda Puntland, ayaa sannadkan miisaaniyadda maamulka kursaday mushaar kordhin, waxaana lacag dheeraad ah ku darsadeen mushaarkii ay horey u qaadan jireen xildhibaannada oo ahaa mid badan.

Xildhibaannada Puntland, waxay kordhisteen mushaharkooda oo markii hore ahaa $2,500 bishii, halka haatan ay ku darsadeen lacag dhan $1000, taasi oo mushaarka xildhibaannada ka dhigaysa $3,500 oo Dollar, sida ku cad shaxda mushaaraadka ee miisaaniyadda 2025.

Mushaar kordhinta loo sameeyay xildhibaannada Puntland, ayaa la sheegay in ay ka dhalatay mooshin ay wadeen qaar kamid ah xildhibaannada, waxaana xildhibaannada Puntland lagu qanciyay in ay joojiyaan mooshinnada loona kordhinayo mushaarka.

Xildhibaannada Puntland, ayaa la sheegay in qaar badan oo kamid ah markii mushaar kordhinta loo sameeyay in carruurtooda iyo qoysaskooda u rareen magaalooyinka Nairobi iyo Qaahira, si ay hallkaasi nolol fiican iyo waxbarasho uga helaan.

 

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Erdogan oo Tacsi u diray Madaxweynaha Isra’iil niyadana u qaboojiyay

Cabdi Cade

Cali Guudlaawe oo gaaray Miir-taqwo & Biyo-cadde (Sawirro)

Caydiid Ali

Maxaa keenay in Macalimiinta ajnabiga ah laga saaro gobolka Soomaalida Kenya?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---