Israel ayaa caawa la kulantay mid ka mid ah weeraradiii ugu xumaa taariikhda
Iran ayaa ku weerartay Israa’iil, gantaallo si dhaqso u dhaliyay burbur oo ku dhacay bartilamaameedyo ku yaalla Tel aviv iyo Xayfa, xilli warbaahinta Israa’iil ay ku warramayso inay gantaallada Iran dhismayaal horleh dumiyeen.
Xilliga gantaallada Iran ay ku dhaceen gudaha magaalada Xayfa, lama maqal wax digniin ah nidaamyada difaacana waxay u dhaqmeen inay howlgab noqdeen.
Gantaallada ay waxyar ka hor Iran ku weerartay gudaha Israa’iil, ayaa dab xooggan ka dhaliyay bartamaha Xayfa oo ah magaalada labaad ee ugu muhiimsan Israa’iil oo xarumaha israraatijiga ah ay ku yaallan.
Weerarka ay hadda Iran ku qaaday gudaha Israa’iil, wuxuu ka sarreeya weerarkii xalay burburka ka dhaliyay Tel aviv iyo Xayfa, sida uu ku warramay telefishinka Israa’iil ka soo baxa ee Channel 13
Ciidanka Iran, waxay ku dhawaaqeen inay weerarro waa weyn ka geysan doonaan gudaha Israa’iil, iyagoo Israa’iiliyiinta ugu baaqay inay ka fogaadaan xarumaha milatariga iyo goobaha xasaasiga ah.
Kooxda gurmadka deg degga ah ee Israa’iil, ayaa warbaahinta u sheegay inay jiraan dad badan oo lagu la’yahay dhismayaal ay burburiyeen gantaallada Iran oo ku yaal magaalada Xayfa, iyagoo sheegay inaysan wali xaqiijin sida dadka ku hoos jira burburka dhismayaasha.
Malaayiin Yuhuud ah ayaa ku jira habeenkii 3aad godad dhulka hoostiisa ah oo ay gabaad ka dhigteen
Sarkaal ka tirsan ciidanka sirdoonka milatariga Iran, ayaa u sheegay telefishinka rasmiga ah ee Iran: “Weerarkii u dambeyay ee aan ku qaadnay Israa’iil, wuxuu lahaa ujeeddooyin gaar ah, waxaan beegsanay xarumo xasaasi ah oo ku yaalla gudaha Israa’iil — waana la gaaray hadafkaa.”