Maxay Cali Guudlaawe & Dabageed habeenkii labaad ugu hoydeen Maxaas? (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlada Hirshabelle mudane Cali Cabdulaahi Xuseen Guudlaawe M/weyne kuxigeenka Hirshabelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar Dabageed Xildhibaano ka tirsan barlamaanka.Hirshabelle Wasiiro & Saraakiil sare sare ayaa habeenkii labaad ku hoyday Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha ayaa dhiiri gelin u sameeyay Ciidamada Xoogga dallka iyo kuwa hirshabelle kuwaasoo dagaalka kula jiro Alshabaab .

“Waxaad tihiin geesiyaal u dhimanaya dadkooda iyo dalkooda waxaadna aragteen sida Alshabaab u dhibaateyeen shacabka waxeey gubeen Ceel Biyood ,Guryo  shacab degan yahay & Goobo Ganacsi sidaasi darteed waxaa waajib nagu ah inta ayba ku jiraan degnaada Dowlada Hirshabeelle ma nasan doono” ayuu u raaciyay Madaxweynaha dowlada Hirshabelle Mudane Cali Cabdulaahi Xuseen Guudlaawe.

Saraakiisha Hogaamineyso Ciidamada ayaa balan qaaday in ay alshabaab ka saari doonaan dhamaan deegaanada ay hataan ku harsan yihiin.

Degmooyinka Maxaas iyo Matabaan ayaa waxaa ka socda Howlgalo balaraan oo lagula dagaalamayo Alshabaab si dhamaan looga saaro loona furo wadooyin badan oo alshabaab horay isu socodkooda kala jareen.

 

- Advertisement -