Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Madaxweynaha Hirshabelle oo arrimo taagan kala hadlay Mohamed Al Hammadi (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kulan la qaatay safiirka dalka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya danjire Mohamed Ahmed Othman Al Hammadi.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa iska wareystay xaaladaha guud ee dalka gaar ahaan Arrimaha Hirshabeellle sida amniga, dardargalinta iyo taageerida howlgalada lagu baacsanayo cadowga argagixisada ah ee ka socda deegaannada Hirshabeelle.

Labada masuul ayaa sidoo kale kawada hadlay dhibaatooyinka adag ee ka jira deegaanadii dhowaan laga xureeeyay Al Shabaab , gurmadka abaaraha iyo sida Imaaraadka Carabta uu Hirshabeelle uga taageeri lahaa kor u qaadida mashaariicda Horumarinta.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay safiirka iyo Dowladda Imaaraadka Carabta taageerada ay siiyaan Soomaaliya iyo sida ay Hirshabeelle uga taageeri lahaayeen howlaha muhiimka ah ee hortabinta u leh.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Diyaaradii ay la socotay ku-simaha Madaxweynaha oo ka degtay Boosaaso

Cabdi Cade

Xildhibaano goordhaw lagu doortay Magaalada Baydhabo (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Golaha Wasiirrada Puntland oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Boosaaso

Cabdi Cade
Taboola Ads ---