DF oo uga digtay Odayaal kasoo jeeda Galmudug Qorshe Al Shabaab diyaarinayaan (Sawirro)

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta kulan wadatashi ah waxaa uu la yeeshay odeyaasha dhaqanka ee Galmudug isaga oo kala hadlay kaalintooda la xiriirta dib-u-heshiisiinta, xasilinta deegaannada laga xoreeyey Alshabaab iyo ka feejignaanta dhagartooda is kahor keenista beelaha.

Wasiirka waxaa uu iftiimiyey sida ay kooxda Al Shabaan u qorsheynayaan iskudirka beelaha, isaga soo qaatay in inta dagaalka lagula jiro si ay u marin habaabiyaan dib u xorreynta socota ay u dhigi doonaan dagaalka beel ku duushay deegaanka beel kale.

Wasiirka waxaa uu hoosta ka xariiqay in Alshabaab ay ku tilmaameen dadkii ay tuulooyinka ka gubeen kuwoo mooriyaan ah, oo qudhaacu dhuruq ah, isaga oo intaa raaciyey in xagjirnimada kooxdaasi darteed aaney odeyaasha ka qeyb geli karin horumarinta deegaanadooda sida ceel qodis, guryo dhisid, beero iyo wixii la mid ah.

Wasiir Fiqi waxaa uu ku bogaadiyey beelaha kala duwan sida ay uga gadooodeen dulmiga Alshabaab, isaga oo adkeeyey in gulufka hadda socda ee ka dhanka ah argigixisada uu gaaro meesha ugu dambeysa.

Wasiir Axmed Fiqi waxaa uu sheegay inuu jiro shirweyne ay isugu iman doonaan reer Hirshabelle iyo reer Galmudug kaas oo lagu qaban doonno Baladweyn ama Dhuusamareeb midkood, waxaa uuna odeyaasha ka dalbaday in ay kaalintooda ka qaataan arrimaha socda.

Wasiirka waxaa uu ugu dambeyntii sheegay in kulamada watashiga ah ee uu la leeyahay odeyaasha uu ballaarin doono, oo ay ku xigi doonaan Hirshabelle, Koonfur galbeed iyo Jubbaland.

Dhankooda odeyaasha Galmudug oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin halganka ka dhanka argigixisada Alshabaab iyaga oo wasiirka hordhigay qorshahooda la xiriira arrinkan, waxaa kale oo ay wacad ku mareen in ay huri doonaan naf iyo maal.

- Advertisement -