Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Xildhibaano goordhaw lagu doortay Magaalada Baydhabo (Daawo Sawirro)

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed waxaa saakay ka socota doorashada Xildhibaano kamid noqonaya gollaha shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee federaalka Soomaaliya.

Kursiga tirsigiisu yahay Hop099  ayaa loo doortay Axmed Madoobe Nuunow oo katirsan Wasiiradda maamulka Koonfur Galbeed waxa uuna helay 75-cod halka musharaxii la tartamayay Cabdinasir Ibraahim Aadan isna helay 25-cod.

Waxaa sidoo kale kursiga labaad ee tirsigiisu yahay Hop168 ku guuleesatay Luul Ibraahim Cumar oo heshay 86-cod halka musharaxii kursiga kula tartantay Nasteexo Axmed Nuur ay heshay 15-cod.

Magaalada Baydhabo waxaa sidoo kale ka socota doorashada kuraas kale oo kamid noqonaya gollaha shacabka, waxaana maanta qorshuhu yahay in magaaladaasi lagu doorto ilaa lix Xildhibaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Booliiska Somaliland oo Qiil yaab leh u sameeyay xarriga Wasiir Axmed Muumin Seed

Cabdi Cade

C/qaadir Nuune “Inta aan Dowladnimada u baahanahay in ka badan ayaa u baahanahay daddeyn”

Caydiid Ali

Bushaaro Muhiim ah oo loo hayo Waalidiinta Soomaaliyeed ee kunool Qurbaha

Cabdi Cade
Taboola Ads ---