Diyaaradii ay la socotay ku-simaha Madaxweynaha oo ka degtay Boosaaso

Warar aan goordhaw ka helnay magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in garoonka diyaaradaha magaaladaasi ka degtay diyaaradii ay la socotay ku-simaha Madaxweynaha Xildhibaanad Sacdiya Yaasiin oo saacado kahor laga celiyay hawada Boosaaso.

Duuliyaha diyaarada ayaa lagu soo waramayaa in uu sheegay in diyaarada heesan shidaal ku filan ay dib ugu laabato, waxa uuna go’aansaday in diyaarada ka dejiyo garoonka Boosaaso si aysan helis u gelin nolosha madaxda la socota.

Diyaarada iyo wefdiga la socday ayaa la sheegay in si nabad ah uga degeen garoonka Boosaaso, waxaana socda dedaalo la donayo in wafdiga loogu ogolaado in banaanka u baxaan sidoo kale diyaarada laga dejiyo raashinka gargaarka ah ay wado.

Ciidamada PMPF-ta ee gacanta ku haya amaanka garoonka diyaaradaha Boosaaso iyo ciidamada kale ee awoodda badan ee PSF ayaa ku dagaalamay magaalada Boosaaso, waxaana dagaalkan salka ku hayay khilaafka ka dhashay diyaarada la celiyay.

Isimada maamulka Puntland iyo masuuliyiin kale ayaa wada dedaalo xal loogu helayo xiisada ka dhalatay diyaarada loo diiday in Boosaaso kasoo degto iyo sidoo kale gargaarka saaran diyaaradaasi ee loogu tala galay shacabka Boosaaso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -