Allbanaadir.com
NEWS

Golaha Wasiirrada Puntland oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Boosaaso

Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-Guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada oo maanta lagu qabtay magaalada Boosaaso .

Kulankan ayaa  looga hadlay Amniga Guud, Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland, Guulaha Ciidanku gaaray, garab istaaga Ciidanka iyo Gargaar bani’aadanimo in la gaarsiiyo dadka ku nool iyo kuwa kasoo barakacay deegaannada hawlgalku ka socdo ee buuralayda Cal-miskaad ee Gobolka Bari.

Kulanka waxa kale oo looga hadlay xaaladda Waddooyinka Boosaaso, iyadoo ay Dowladda hoose ee Boosaaso iyo Dowladda dhexe ee Puntland iska kaashanayaan dib-u-furida Wadooyinka Boosaaso si kor loogu qaado bilicda iyo Amniga magaalada.

Sidoo kale kulabka golaha Wasiirrada waxaa  kasoo baxay in la dardargeliyo shaqooyinka hore u socday ee dhismaha, dayactirka iyo dib-u-habeynta waddooyinka gobolada Puntland.

 

Related posts

Dowlada Kenya Maxaa Ka Khuseeya Xureynta deegaanka Jannaale ? !!

Cabdi Cade

Musharax Baarlaman iyo dad kale oo lagu laayey qarax ka dhacay Peshawar (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Daawo:-Faahfaahin Al-Shabaab oo gudaha u galay saldhig ciidan iyo Warar kale

admin
Taboola Ads ---