Allbanaadir.com
NEWS

Somaliland oo fariin u dirtay Ajaaniibta kunool deegaanadeeda

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga maamulka Somaliland, ayaa loogu baaqay dadka ajaaniibta ah ee sida sharcidarada ku jooga deegaannada maamulkaasi , in ay tagaan xarunta hay’adda Socdaalka ayna soo qaataan ogolaansho dal ku joog ah.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, ayaana muddo kordhin u sameysay ajaaniibta aan sharciga ku joogin Somaliland in ay dalka isaga baxaan ama is-diiwaangeliyaan soona qaataan ogolaansho ay deegaannada maamulka ku joogi karaan.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dadka shircidarada ku jooga Somaliland ay xaduudaha maamulka ka bixi karaan iyada oo la diiwaangelinayo, waxaana laamaha amniga la faray in tallaabo sharci ah ka qaadaan ajaanibta  sharcidarada ah haddii ay dhammaato muddada la siiyay.

 

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maraykanka oo joojiyey shaacinta Khasaaraha Weerarada ay ka fuliyaan Somalia (Sababta)

Caydiid Ali

Gudoomiye Maxamed Nuur Gacal oo ka hadlay Doorashada Madaxweynaha Galmudug

Cabdi Cade

Jubbaland oo xariga ka jartay Mashruuc weyn oo laga hirgeliyey Kismaayo (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---