Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Xassan Shiikh oo digniin culus u diray shacabka ku nool degaanada Al-Shabaab

Madaxweynaha Somalia Xassan Shiikh Maxamuud ayaa uga digay shacabka iney ka fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Xassan Shiikh ayaa hadalkan ka jeediyey gebagebada Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo maanta lagu soo xiray magaalada Muqdisho.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan uga digaynaa iney ka fogaadaan goobaha ay joogaan argagaxisada Al-Shabaab, maxaa yeelay nimankaas waa bartilmaameed, agtooda haku dhaawacmin hana ku dhimanin” ayuu yiri Xassan Shiikh.

Waxaa uu intaas ku daray in Al-shabaab.ay wajihi doonaan weeraro culus oo looga taqalusayo.

“Al-Shabaab waa la duqeynayaa, waa lagu duulayaa, waa lagu dul dagayaa, waa lala diriraa waxbana looma reebanayo shacabka Soomaaliyeed waxaan ka codsaneynaa haka fogaadaan nimankaas goobaha ay joogaan” ayuu intaa ku daray Xasan Shiikh.

Dhinaca kale, Madaxweyne Xassan Shiikh iyo wafdi uu horkacayo oo galabta ka ambabaxay dalka ayaa caawa gaaray magaalada Nairobi, iyagoo ka qeyb galaya xaflada caleemo saarka Madaxweynaha Kenya William Ruto oo beri halkaas ka dhaceysa.

HOOS KA DAAWO

Related posts

Kulanka Baarlamanka ee Sabtida oo laga mamnuucay Warbaahinta & Sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Shir u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Saaxiibada caalamka oo ka furmay Baydhabo

Cabdi Cade

Taliye Sulub iyo Dhigiisa dalka Turkiga oo arrimo Muhiim ah kawada hadlay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---